25 C
Mogadishu
Thursday, February 5, 2026

Shirka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo dib u dhacay iyo xogihii ugu dambeeyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dib u dhacay, kaasi oo loo ballansanaa in uu furmo 1-dii bishaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo toddobaadka soo aadan, iyada oo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay qorsheeyeen in ay imaadan magaalada Muqdisho maalinta Isniinta ee soo aadan.

Dib u dhaca shirka ayaa yimid markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Axaddii magaalada Muqdisho ka celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, taas oo uga sii dartay xiisaddii siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka ayaa markaas ku andacootay in tallaabadaas u qaaday si loo ilaaliyo baratakoollada iyo habraacyada amniga, halka maamullada Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya.

Dhacdadaas kadib wakiillada beesha caalamka ayaa cadaadis saaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay inuu aqbalo ka laabashada go’aankii ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogolaaday in madaxda Puntland iyo Jubaland ay Muqdisho la yimaadaan ciidankooda iyo hubkooda, iyada oo aan lagu xirayn shuruudo gaar ah.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka ayaa xoogga saaraya sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, iyagoo muujiyay sida lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo isfaham looga gaaro shirka.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News