25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Shirka dhameystirka maamulka SSC oo dib u dhacay + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Shirka dhammeystirka Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo lagu waday inuu galinka dambe ee maanta uu ka furmo magaalada Laascaanood ayaa dib u dhac ku yimid.

Shirka ayaa waxaa dib loo dhigay illaa Sabtida soo socota, xilli ay halkaas ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cali Xoosh.

Dib u dhaca shirka ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed ka dhex taagan hoggaanka SSC-Khaatumo iyo musharaxiinta mucaaradka, sida ay ku waramayaan illo wareedyo ku sugan magaalada Laascaanood.

Shirkan oo ay qaban-qaabadiisu leedahay dowladda fedeaalka ayaa waxaa diidmo kala horyimid musharixinta u taagan xilka Madaxweynaha SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka biyo diidsan hannaanka ay dowladda dhexe u wajahday geeddi-socodka dhismaha maamulka.

Wararka ayaa sheegaya in weli taagan yahay buuq iyo dood ay saaka keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo dhaq-dhaqaaq ka wada gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan waan-waan laga dhex bilaabay labada dhinac, waxaana ku howlan Isimada dhaqanka oo la rumeysan yahay in ay door muuqda ka qaateen go’aanka dib u dhigista shirka, si xal loo helo.

Si kastaba, SSC-Khaatumo ayaa isku diyaarineysa inay noqoto maamul dhameystiran, iyada oo dowladda federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala, kaas oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood oo uu ka furmi doono shirka aayo ka tashiga.

- Advertisement -

Read more

Local News