Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kadib maalin nasiino ah oo madaxdu ay kala maqnaayeen.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo war kooban ka soo saaray ajendaha shirka caawa ayaa shaaciyey in laga hadli dooni ‘dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.’
“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.
Shirkaan oo Muqdisho ka socda ku dhawaad hal todobaad ayaan weli xal looga gaarin murankii ka soo laabtay doorashada kuraasta yar ee ilaa hadda laga soo doortay xubnaha golaha shacabka, dhameystirka iyo hufnaanta doorashada.
Sidoo kale waxaa miiska saaran oo la isku mari la’yahay dalab uu wato Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, kaas oo hadda uu masuuliyadiisa sheegto madaxweynihii hore Farmaajo.
Madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa la sheegay inay toos uga soo hor jeesteen in amniga dalka laga wareejiyo Farmaajo, halka madaxda Jubbaland, Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka mideysan yihiin fegradda ah in Farmaajo laga wareejiyo mas’uuliyadda amniga Qaranka.