Shirka Golaha Wasiirada oo maanta baaqday + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac aan la shaacin waxa sababay ayaa ku yimid shirkii la filayey inay maanta yeeshaan golaha wasiirada xukuumadda federaalka  Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa loo diray farriimo gaar ah, iyada oo lagu war-geliyey baaqashada shirkaan oo ahaa mid la wada sugayey oo aad isha loogu hayey.

Shirka todobaadlaha ah ee golah wasiirada ayaa maanta qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo illaa 15 safiir oo ay dowladda federaalka ah u direyso qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Magacaabista safiirada ayaa waxaa ka timid dood adag, iyada oo Khamiistii la soo dhaafay kulankii golaha wasiirrada Soomaaliya la hor geeyey liiska 12 safiir si loo ansixiyo, balse dib ayaa loogu celiyey wasaaradda arrimaha dibadda oo markii hore soo gudbisay liiskaas.

Sidoo kale wasiirrada qaar ayaa dood adag ka keenay in la ansixiyo liiska safiiradaas, iyagoo ku dooday in aan la soo waafajin nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Si kastaba magacaabida safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah oo Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka 2021-ka.