Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.
Shirkan ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga ciidanka qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha December 2024.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howl-gallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah ee ciidamada geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.
Sidoo kale, golaha ayaa wssaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024.
Imtixaanka shahaadiga ayaa si xiriir ah sanadkii 10-aad si isku mar ah looga qaadaya gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.
Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga xafiiska hanti-dhawraha guud ee qaranka, kaas oo uu soo gudbiyay xafiiska.
Xeer-nidaamiyahan ayaa wuxuu xoojinaya dhaqan-gelinta sharciga xafiiska, kaasi oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka, sida lagu sheegay xeerkan.