Halkee ku yaallaa dhulka kale ee DF u waqaftay qabuuraha Iskuul Boolisiya + Video

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhul kale u waqaftay maydadka laga saarayo qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaca ka qaaday Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Sheekha oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa sheegay in dhulkaasi uu diyaariyay maamulka gobolka Banaadir, isla markaana uu ku yaallo xaafadda Waxar-cadde ee degmada Heliwaa.

Cali Wajiis ayaa sheegay in dhulkaasi lagu wareejin doono darbi wayn, isla markaana aan loo adeegsan doonin dano gaar ah, kaliyana uu noqon doono dhul waqaf ah oo loogu talagalay in lagu aaso dadka.

“Dhulka iyagaa sheegay annagana waa sheegeynaa wuxuu yaallaa Waxar-cadde, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaaba sheegay oo xittaa Media-ha marsiiyay. Dhulku Waxar-cadde ayuu ku yaallaa waa la tegi karaa, maydkana waa lagu aasi karaa” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qabuurahaan guddoomiye Madaale ayaa muddo dheer daba socday dhulka waa diyaarsan yahay, haddana waxaa lagu xerayaa darbi, halkaas ayaa lagu aasayaa dowladda ayaana mas’uul ka ah,”.

Dhinaca kale Sheekh Cali Wajiis waxaa la weydiiyey waxala gudboon culimada, hadii dhulka Iskuul Buluusiya laga dhigo goobo ganacsi oo shakhsiyaad la siiyo, isagoo sheegay in markaas ay ka hor imaa doonaan dadkana ay u cadeyn doonaan in balantii ay uga baxday dowladdu, balse hadda qorshaha loo sheegay oo dowladda ay ku raaceen uu yahay in dhulkaas hanaan danguud ah loo isticmaalo.

Wuxuu intaas ku sii daray, in diinta islaamka aysan baneyn in dangaar ah loo isticmaalo dhul danguud ah, inta laga saaro dadkii ku xabaalaa, sidoo kale wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyey marka la ogolyahay in meyd laga saaro meel ee meel kale lagu aaso, isagoo ka bixiyey tusaalooyin waaweyn oo ku qanciyey in culimadu ay go’aankaas la qaadayo dowladda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan qaylo dhaan xoogan ay ka dhalatay go’aanka kasoo baxay dowladda ee lagu faagayo qabuuraha Iskuul Buluusiya ee Muqdisho, kaas oo saameyn gaar ah ku yeeshay qoysaska ay ehelladooda ku aasan yihiin halkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka