Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Mudanayaasha BFS, ayaa sheegay in marnaba uusan rajo ka qabin in shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu mirro dhalo.
Goodax waxa uu tilmaamay in shirka ka socda Jowhar uu yahay mid hal dhinac u janjeera sidaa aawgeedna aysan suuragal noqon karin in laga gaaro cadaalad.
Waxa uu cadeeyay in shirka oo idil uu dhaafi la’ yahay dhowr qof oo hadaf gaar ah ka leh shirkaasi taasina ay dhawaceyso kalsoonidii laga qabay shirka.
Wuxuu xusay in qaabka ay wax u socdaan hadda ay muujineyso in Shirkaasi uu dib uga dhaco waqtigii loogu talo galay in lagu soo afjaro.
DFS ayuu sheegay in danta guud ay ka hormarineyso tan gaar ahaaneyd, taasina ay burbur u horseedi karto dadaalkii rajada lahaa.
Shirka Maamulka loogu sameynayo labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa Bishii Jaanyo waxaa Jowhar ka furay Madaxweynaha Somalia.
Haddalka Goodax Barre ayaa imaanaya xili Wasaarada arrimaha Gudaha ay ku dhawaaqday in shirka Jowhar lagu soo afjari doono muddo hal bil ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

