26.1 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu qabtay agagaarka xarunta baarlamanka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka Dowlada ayaa la soo warinayaa inay gacanta ku dhigeen Gaari lagu soo camiray Qaraxyo culus oo la doonaayay in lagu xasuuqo dadka shacabka ah.

Gaarigaani ayaa waxaa lasoo dhigay taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka uu ahaa in la qarxiyo xiliyada mashquulka uu ka jiro Xarunta BFS oo garabka ku heysa.

Gaariga ayaa waxaa sidoo kale laga soo buuxiyay Hub loogu tallo galay in Qaraxa uu ka dhasho, islamarkaana uu dadka baabi’iyo.

Qabashada gaarigaasi ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiisha Amniga dowlada oo sheegtay in gaariga uu ahaa nooca yar yar ee raaxada ah.

Dhanka kale, Saraakiishu kama aysan bixin wax faahfaahino dheeri ah, balse waxa ay sheegen in la midab yaqaano shaqsiga meesha ku diyaariyay gaariga islamarkaana uu ahaa nin la baadi goobaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News