Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo laga helaayo Safar degdeg ah oo Madaxweynaha Somalia Xassan Xassan Sheekh Bishii March ee lasoo dhaafay ku tagay dalka Isutaga imaaraadka Carabta halkaasi oo uu kula kulmay Madaxa ugu sareeya Dalkaasi iyo Mas’uuliyiin kale.
Safarka Xassan Sheekh ee imaaraadka ayaa la xiriiray dadaalo uu ku hakinaayo in Dowlada Imaaraadka ay ku maalgashato Dekada Berbera.
Ka hor inta uusan Xassan Sheekh u ambabixin dalkaasi ayaa waxa uu 10 March Wasiirka arrimaha Dibadda Hadliye ku amray inuu u kictamo imaaraadka islamarkaana uu gudbiyo fariin uu ugu dhiibay Madaxtooyada Somalia, taasi oo la xiriirtay in Dowlada imaaraadka ay si KMG ah u hakiso Heshiiska ku aadan maalgashiga Dekada Berbera.
Hadliye ayaa fariintaasi u gudbiyay Madaxda ay ku soctay, waxa uuna lasoo laabtay Casuumaad uu Dowlada Imaaraadka uga waday Xassan Sheekh Maxamuud.
Xassan Sheekh ayaa marka ay Taariikhdu aheyd 19 March dalka Imaaraadka ka helay Casuumaad isaga oo 22-24 March safar ku tagay dalkaasi waxa uuna xujo ka dhigay inaan mashaariicdaasi la hirgalin karin ilaa amarka DFS.
Xassan waxa uu dal baday in isaga la siiyo lacag uu ku sheegay (Awood sharci), taas oo ku saabsan in Imaaraadku isticmaalaan Dekadda iyo madaarka Berbera oo xarun ciidan loo adeegsan doono.
Shirkad ay sheer ku leeyihiin Madaxda Imaaraadka ayaa dooneysa in Dekadda Berbera ay ku sameyso dayactir, kadibna ay ku xisaabtanto dhowr sano dhaqaalaha uga soo xaroonaaya Dekadda, halka qeybo kamid ah Madaarka Berbera uu imaaraadka u adeegsan doono xarun ay ka duulaan Ciidamadooda.
Madaxwayne ku-xigeenka ahna, Ra’isul wasaaraha Isu-taga Imaaraadka Carabta ahna xaakimka Dubai Muxamed Bin Raashid Al-Maktuum, ayaa May 5, 2016 usoo diray warqad Casuumaad ah si uu kala hadlo arrintaani uu dhabjiyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
May 8, 2016, waxaa magaalada Hargeysa ka ambabaxay Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wafdi ka tirsan labada Gole ee maamulkiisa kuwaasi oo lagu wado in xaakimka Dubai Muxamed Bin Raashid Al-Maktuum ay kala hadlaan arrinta Dekadda iyo Madaarka Berbera.
Lama oga in Dawladda Imaaraadka Carabtu aqbashay dalabka Xasan Sheekh iyo in kale, waxaana sidoo kala ogeyn sida uu noqon doono Heshiiska Axmed Siilaanyo oo jooga Dubai iyo Dowlada Imaaraadka ay wada gaari doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

