28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: Xasan Shekh oo ka walaacsan xiriirka CC & Shariif Xasan iyo qorshe cusub oo uu billaabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya xiriirka ka dhexeeya Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Xiriirka labada mas’uul ayaa bilowday tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay qaabka ay noqoneyso doorashada 2016-ka.

Ra’isul wasaare Cumar iyo Shariif Xassan ayaa waxaa horay uga sii dhexeeyay xiriir intaa ka fog, waxa uuna iminka xiriirkaasi noqonayaa mid sii laba jibaarmay.

Madaxweyne Xassan oo isaga muddo Seddex jeer ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada madaxtinimada Somalia, ayaa iminka shaki xoogan ka muujiyay xiriirka sii xoogeysanaaya ee labada mas’uul.

Madaxweyne Xassan oo ka didsan xiriirkaasi ayaa iminka bilaabay inuu kala fogeeyo labada mas’uul si qalqal Siyaasadeed uusan ugu imaan xilkiisa.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa tartan aan la iclaamin kula jira Xassan Sheekh, waxa uuna Sharmaarke yahay musharax u taagan qabashada xilka isaga oo garab taageero ka raadinaaya maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa hadana moodaa in Xassan uu arrintaasi burburinteeda ka fakaraayo.

Xassan Sheekh ayaa kala fogeyntaasi u adeegsanaayo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur galbeed, halka qorshaha uu yahay in Sharmaarku uu kala hadlo qaboojinta arrintaasi.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay dareenka Xassan Sheekh uu ka muujinaayo Sharmaarke iyo Shariif Xassan, waxaana suuragal ah in Xassan iyo Ra’isul wasaaraha arrintaasi ay isugu dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News