28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

XOG: Boorsaani oo la yimid hab cusub oo lacag looga qaadanayo shacabka ku nool MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa keenay naqshad cusub oo dadweynaha Muqdisho lacag looga qaadayo, kadib markii horey baarlamaanka ay u joojiyeen qaadashada ID cadeynaya muwaadinnimada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ID cusub uu yahay mid lagu qasbayo qof kastaa oo Soomaali ah inuu qaato, waxaana la doonayaa in dhaqaalo cusub looga qaado dadweynaha Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ID-ga cusub uu yahay mid ka duwan kuwii horey looga qaadan jiray magaalada Muqdisho, islamarkaana uu yahay mid aan waligii dhaceynin, sida uu sheegay.

“ID-cusub waa mid la doonayo in qof kastaa oo muwaadin ah inuu qaato, waa mid ka duwan kii hore loo keenay wuxuu kaga duwan yahay, ma dhacayo ID-gan sababtoo ah kii hore muddo kooban ayuu ku dhacayay”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Cali Xersi Barre Cali Gaab oo madasha ka hadlay aya sheegay in laamaha booliska ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa qaadashada ID-ga ayna xeri doonaan qof kastaa oo aanan qaadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News