Shirka Kismaayo: Guul Emaaraat miyaa! mise guul Soomaaliyeed

Beryahan hadal-heynta ugu badan waa Shirka Madaxda Gobalada ee ka furmay Kismaayo iyo Shirka Muqdisho ee Dastuurka oo la baajiyey! Yuu guul u yahay? Yaa ka danbeeya? Maxaa ka soo baxaya? Khatar iyo Faa’iido intee la eg ayuu Samalida u leeyahay….?.

Waxaan xasuustay sheeko na dhex-martay nin reer Waqooyi ah oo yiri ” Run isuma sheegtaan” (Siyaasiyiinta Reer Koofur run isuma sheegaan, dadkoodana run uma sheegaan, ajnabigana run uma sheegaan, lkn Reer Waqooyigu runta ayey isu sheegaan). Tusaale; Xizbul-xaakimka Somaliland ayaa damcay in uu ka takhaluso Gudoomiyihii Barlamaanka Cirro oo Mucaarad ku noqday, waxey hoos ka amreen Gudoomiye ku xigeenkii Baashe, shir ayuu qabtay, Cod Aqlabiyad ah ayuuna ku riday, lkn Guurtida ayaa soo fara-gelisay runtana u sheegtay (Waryee Baashe ma ogid mana joogin waxa laga soo maray Somaliland! kuraastana Qabiil ayaa lagu qeybsaday ee Cod iyo Axzaab laguma qeybsan ee xadkaaga ha ka bixin) markii ay tageen Prof. Samatar iyo Galeyr runta ayaa loo sheegay! Biixi iyo Cirro kala raaca ama Koofur isaga laabta!.

Shirka shalay ka furmay Kismaayo waxaa ka horeeyey Asbuuc Shirkii Abu-dhabai oo ay ku wehliyeen Madaxda shirka Kismaayo Xildhibaan Xasan Sheekh iyo Senator Cumar C/rashiid oo la filayey in ay shirkaan kasoo qeybgeli-doonaan! Lkn lama oga waxa looga reebay iyo halka ay la tegi-doonaan Qaraabkii laga soo helay Abu-dhabai!

Sanad ka hor, Bishaan oo kale waxaa isla Abu-dhabai ka dhacay shir u eg labadaan shir ee Abu-dhabai iyo Kismaayo, kana qeyb-galeen isla Madaxdaan hadda joogta markii laga reebo Xaaf iyo Waare oo soo daahay..!

Ajandaha Shirkaas wuxuu ahaa; in la rido Madaxweyne Xasan, lana dhiso Madaxweyne Cumar, Xildhibaanadana laga reebo Wadaado iyo Wadaniyiin, Qaraabna la qaato,  markii la maqlay heshiiskaas waxaa kacay dadweyne ka gadooday fara-gelinta Emaraat, ilaa Safiirkii uu baqay oo uu tegay Nairobi. Asbuuc kadib M. Xasan ayaa tegay Safaarada Emaraat ee Muqdisho, wuxuuna sheegay (Emaraat waa is jecelnahay, xiriirkeynana meeshii ugu fiicneed ayuu marayaa) waa la yaabay! Waxaan wareystay in uu ii fasiro nin ka mid ahaa gacanyara-yaashii M. Xasan, wuxuu igu yiri (Carabtaas waxba ma ogee Xasan iyo Madaxda tagtay Abu-dhabai waa iska warqabaan, Qaraabkuna waa ka dhaxeeyaa! Dadkii hala reebo la yirina Qabiilkooda ayaa wata! Qaraabkiina kaalmo ayaa laga siiyey si cod looga helo) waxaan fahmay in aan run la isu sheegin!.

  1. Sharif Xasan oo labadaan Shir Engineer ka ah wuxuu dadaal dheer ugu jiray ilaa Carte 2000, in la kala bedelo labada Kursi ee Madaxweynaha iyo Raisal-wasaaraha Fedaraalka iyo labada beelood ee kala heysta, sanad kasta Qandaraas ayuu ku bixiyaa, kumana guuleysto, runtana looma sheegi karo!.

Emaraatku Malaayiin ayey ku bixinayaan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso! Lacag ay ku dhisaan Isbitaalka Jiingada ah ee Degmada Cabdicasiis-na ma hayaan! Malaayiin ayey ku dhisayaan Saldhiga Berbera! Lacag ay ku dhisaan Jiingada Saldhiga Xamar ee Xeradii Agoonta Melateriga-na ma hayaan! Runtana looma sheegi karo!.

Xildhibaan Xasan iyo Cumar, markii ay heysteen Kursiga + Xildhibaano ay Gacantooda ku qorteen + Qaraab iyo Hanti Qaran + Madaxdaan ku shiraysa Kismaayo + Itoobiya iyo Emaraat, xilligaas Madax lagama dhigi karin! Ee Maanta oo ay Xildhibaano kaliya yihiin ayaa Madax laga dhigi karaa..?  Runtana  looma sheegi karo?.

  1. A. Madoobe Khudbadiisii Xalay ee Qiirada laheed iyo Ammaantiisii Dawlada Federaalka ma ka dhabey-doonaa? Iyada oo horey loo arkay Fashilkii shirkii Kismaayo1 2016, lana arkay guul-daradii Xasan Sheekh iyo Dhaantadii ay u tumeen reer Jubbaland iyo reer Jig jiga, lkn Codka ay u diideen Xildhibaanadii kasoo jeeday! Runtana looma sheegi karo?

Siyaasadii iyo Naxariistii Madaxweyne Xasan ee Madaxda Shirka Kismaayo iyo Siyaasada M. Farmaajo waa kala duwanyihiin! Isku midna kama dhigi karaan ee wada kale ma keeni karaan! Mise waxey rabaan in ay noo sheegaan (Cali waa Caydiid, Caydiid-na waa Cali)

Emaraat kii 2016, iyo Emaraatka kadib Khilaafkii Khaliijka isku Siyaasad ma aha ee runta ma la idiin sheegi karaa! Mise meeshii Macaan lagu barto Macluul ayaa lagu sugaa…???.

Prof. Maxamed Nuur Gacal