Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia 15-kii Bishaani aan ku jirno ka furmay Shirka Wadatashiga Qaran oo ay ku kulmayeen Madaxda DFS iyo Hogaamiyayaasha Madasha.
Shirka oo dhexbartanka maraayay ayaa waxaa mar qura safar deg deg ah Magaalada Addis Ababa ugu ambabaxay Ra’isul wasaaraha dalka, Shariif Xasan, C/kariin Gulleed iyo Cosoble oo dhawaan kamid noqday Hogaamiyayaasha maamulada dalka.
Shirka ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo gaara, oo ay kamid yihiin xiliga la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenadiisa iyo tan Madaxweynaha.
Waxaana leysku Khilaafay oo lagu kala tagay dhowr qodob oo ay kamid tahay Saami qeybsiga Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo ay ka doodayeen Hogaamiyayaasha, waxaana xusid mudan in shirka uu ka maqnaa Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Hogaamiyayaasha ayaa wali ku kala maqan shirka Madasha iyadoo aan laga soo saarin wax natiijo ah, waxaana lasoo sheegayaa in shirka uusan socon isla markaana uusan dhammaan.
Sidoo kale, Hogaamiyayaasha looma sheegin xiliga lasii ambaqaadi doono Shirka, mana jiro go’aan cad oo ay isla qaaten Madaxda Madasha.
Shirka ayaa u muuqda in lagu kalatagay waxaana mugdi ku jira goorta ay dib u kulmi doonaan Madaxda maadaama wakhtiga uu yahay mid is guraaya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

