25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Shirka madaxda IGAD oo si degdeg ah maanta uga furmi doona Addis Ababa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu ka furmo shirka madaxda wadamada IGAD oo ah mid degdega.

Shirkaani ayaa waxaa iclaamiyay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ahna guddoomiyaha IGAD Hailemariam Desalegn.

Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Sudanta Koonfureed isla markaana Madaxda Gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sida qorshaha yahay xaaladda wadanka Koonfurta Sudan, oo ay ka taagan tahay xiisad adag.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in dhanka DFS uu u matali doono Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, kadib markii uu cudur daartay Madaxweynaha Somalia.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News