Shirka musharraxiinta oo maanta la soo xirayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka musharaxiinta mucaaradka uga socda gudaha magaalada Muqdisho oo galay maalintiisii afaraad ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba-gabeeyo, kaas oo laga soo saari doonaan war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2020/2021-ka.

Musharraxiinta ayaa si gaar ah xooga u saaray muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka ee ay horey ugu dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka ku biiran shalay iyo xalay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

War-murtiyeedka shirka oo galabta soo bixi doono ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, islamarkaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta.

Intii uu socday shirweynahan waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka, iyadoona sidoo kale maanta lagu casuumay culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi.