Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda India ayaa sheegtay in 33 muwaadiniin ah oo u dhashay dalkaas ay afduub ku haysato shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Guddiga sare ee India ee dalka Kenya ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen dowladda federaalka Soomaaliya, si loo soo bad-baadiyo loona soo daayo dadkaas.
Waxay sidoo kale sheegeen inay xiriir joogto ah la leeyihiin shaqaalaha, si ay u siiyaan kaalmo kasta oo ay u baahan yihiin.
“Waxaan xiriir joogto ah la leenahay dowladda Soomaaliya, si 33-ka qof ee Hindida ah loo soo bad-baadiyo. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa noo xaqiijisay inay ka shaqeyneyso sidii dadkaas ay deg deg ugu soo laaban lahaayeen India,” ayaa lagu yiri qoraal guddiga uu soo dhigay barta twitter-ka.
Rajesh Mani oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay in 33-ka qof oo ahaa shaqaale, islamarkaana 25 ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Uttar Pradesh, ay shirkad Soomaali ah ku haysato Muqdisho muddo sideed bilood ah.
Sida uu sheegay Mani, dadkan ayaa shirkadda Soomaalida ah ku biiray 10 bilood ka hor, markii ay ka heleen qandaras shaqo. Waxa uu yiri in labadii bil ee ugu horrreysay loola dhaqmay si wanaagsan, hase yeeshee sideeddii bilood ee dambe aan la siin mushaharkooda.
Markii ay dalbadeen mushaharkooda ayuu sheegay in laga qaatay baasabooradooda, loogu hanjabay in la toogan doono, laguna qasbay inay shaqeeyaan.
Waxa uu intaas ku daray inay ku dhex nool yihiin warshad ay leedahay shirkadda.
Lama shaacin magaca shirkadda dadkan ay u afduuban yihiin, iyo sababta loo haysto midna.