25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Shirkad Mareykan ah oo diyaarisay qorshaha reer Gaza loogu soo rarayo Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boston (Caasimada Online) – Shirkadda La-talinta Boston (Boston Consulting Group – BCG) ayaa diyaarisay qorshayaal lagu rarayo Falastiiniyiinta reer Gaza, laguna dejinayo Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa lagu sheegay in shirkaddu u fulisay wakiillada danaha ganacsato reer Israa’iil ah oo doonaya dib u dhiska marinkaas.

Dad xog-ogaal u ah qorshahan ayaa u sheegay wargayska Financial Times in Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay ka mid ahaayeen dhowr dal oo loo qorsheeyay in Falastiiniyiinta lagu mastaafuriyo. Liiskaas waxaa sidoo kale ku jiray waddamada Masar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun.

Daraasaddan ayaa ku salaysnayd shaqo ay BCG ku taageeraysay aasaaska Hay’adda Gargaarka Bani’aadannimo ee Gaza (Gaza Humanitarian Foundation – GHF), oo uu Maraykanku taageero, taas oo dhaliil badan loo jeediyay sababo la xiriira tirada dadka ku dhintay goobaha gargaarka lagu qaybiyo.

Qorshahan dagaalka kaddib marka la shaaciyay wuxuu kiciyay caro weyn. Shirkadda la-talintu waxay si cad isaga fogaysay mashruuca, iyadoo sheegtay in shirkad kale oo mas’uul ka ahayd la faray in aan la fulin.

Qorshayaasha dib-u-dejinta ayaa ku salaysnaa warbixinno sheegaya in saraakiil ka tirsan Israa’iil iyo Maraykanka ay wadahadallo la yeesheen hoggaamiyeyaal ka tirsan Bariga Afrika, kuwaas oo ku saabsanaa qaabilaadda Falastiiniyiinta la mastaafurinayo, beddelkeedana loo ballanqaaday faa’iidooyin, oo ay ka mid tahay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Qorshahan, oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay inuu suurtagelin doono dib-u-dhiska Marinka Gaza, ayaa waxaa “isir-sifeyn” ku tilmaamay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, hay’adaha caalamiga ah iyo saraakiil shisheeye.

“Haddii dal uu aqbalo reer Gaza oo si ku-meel-gaar ah, ikhtiyaari ahna, u soo guura, dalkaasi wuxuu helayaa dad cusub oo ku soo kordha, taas oo si cad u yeelan karta faa’iido dhaqaale oo weyn,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ah shaqadan, sida uu u sheegay wargayska Financial Times.

“Laakiin waddamada ku jira qorshahan looma dooran iyadoo lagu salaynayo xog ku saabsan wadahadallo gaar ah oo dhacay. Ujeeddadu waxay ahayd in la fahmo dhinacyada dhaqaale ee la xiriira xulashooyinka uu Madaxweyne Trump miiska soo dhigay.”

Warbixin la socotay qorshahan ayaa saadaalisay in 25% Falastiiniyiinta reer Gaza ay go’aansan doonaan inay ka guuraan marinka, iyadoo inta badan kuwa baxa aysan dib ugu soo laaban doonin. BCG waxay qiyaastay in waddamada qaabila Falastiiniyiinta ay heli doonaan faa’iidooyin dhaqaale oo gaaraya $4.7 bilyan afarta sano ee ugu horreysa.

Waxaa la soo wariyay in shirkadda BCG – oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka mid yahay ardaydeedii hore – ay ku lug yeelatay GHF markii shirkadda qandaraasyada amniga ee Maraykanka, Orbis, ay u xil saartay inay ka caawiso daraasad ku saabsan suurtagalnimada hawlgal gargaar oo cusub.

Sida la sheegay, BCG waxaa loo doortay sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Phil Reilly, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa CIA-da, haddana ka shaqeeya Orbis.

Sida uu markii ugu horreysay baahiyay wargayska Middle East Eye, Reilly wuxuu ahaa la-taliye sare oo BCG u shaqeynayay muddo sideed sano ah, ilaa lix bilood ka hor, markaas oo uu aasaasay shirkadda Safe Reach Solutions – shirkad faa’iido-doon ah oo ka shaqaysa amniga iyo saadka, isla markaana ilaalisa xarumaha gargaarka ee GHF ee Gaza.

Wargayska Financial Times ayaa sidoo kale soo tebiyay in xubno ka tirsan Machadka Tony Blair (Tony Blair Institute) ay ka qaybqaateen mashruuc ku saabsan xaaladda Gaza ee dagaalka kaddib, kaas oo ay ku jireen qorshayaal loogu magac daray “Trump Riviera” oo lagu adeegsaday naqshado maaliyadeed oo ay diyaarisay BCG.

- Advertisement -

Read more

Local News