Shirkadda Dalkom Somalia oo beenisay warar been abuur ah oo lagu beegsanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Dalkom Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku beenisay warar been abuur ah, oo lagu sumcad dilayo shirkadda, oo dhowaanahan lagu faafinayey baraha bulshada. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

WAR-SAXAFADEED

Waxaa dhawaanahaan soo baxayey in qeybo ka mid ah Baraha Bulshada Soomaalidu ku kulanto lagu faafinayey warar been abuur ah oo ka dhan ah Shirkadda Dalkom Somalia, iyadoo ujeedadu tahay in sumcad xumo iyo dhaawac loogu geysto maqaamka Shirkaddeena sharafta leh ay ku laheyd gudaha shacabka Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale.

Hadaba waa tuma: Dalkom Somalia:

Waa shirkad gaar loo leeyahay oo la aas aasay 2003-dii, taas oo wax weyn ka bedeshay isgaarsiinta Soomaaliya, iyadoo hormuud u noqotay in Soomaaliya soo gaarsiiso xariggii ugu horreeyay ee fiber optic-ga badda hoostiisa mara, taasoo dalka ka dhigtay mid ku xiran caalamka iyadoo loo marayo xariga badda hoostiisa mara. Waxay ahayd April 2014, markii Dalkom Somalia ay xeebaha Soomaalilya ka soo dejisay EASSy Cable, oo ah xadhig awood sare leh oo Fiber Optic ah, kaas oo isku xiraya caalamka iyo Soomaaliya markii ugu horreysay.

Iyada oo falanqeeyayaasha saadaaliyeen in ay saameyn weyn ku yeelan doonto horumarka dhaqaale, siyaasadeed Intaba. Helidda interneedku waxa uu ku koobanaa oo kaliya dadka awoodi kara kharashaadka internet-ka, internet-ka waxaa laga heli jirey oo kaliya dayax- gacmeedka inta aaney Dalkom Dalka keenin Xariga internet-ka fiber-optic Dhinaca kale Dalkom iyo aasaasaheeda Maxamed Axmed Jaamac waxay ku guuleysteen abaal-marinno caalami ah; sida: Best Connectivity Solutions for Africa – Connecting Somalia – Closing the final link and Best Network Improvement – Extending EASSy cable into Somalia in AfricaCom 2014 iyo Wholesale Service Innovation Award Global Telecoms Business (GTB) Awards 2015.

Shirkadda Dalkom Waxaa aasaasay ganacsato Soomaaliyeed waana shirkad gaar loo leeyahay, Shirkaddu waxay horumarisay shirkaddaha isgaarsiinta Soomaaliya gaar ahaan dhanka internet-ka waana shirkad dhexdhexaad ah oo oo mar kasta ceeb u aragta monopolism-ka ama isku gaaryeelidda.

Marin habaabinta iyo wararka been abuurka ah:

Waxaa dhawaanahaa soo baxayey hadallo aan masuuliyad ku dheehneen oo la isku dayayo in lagu Magac dillo shirkadda Dalkom Somalia kuwaas oo sheegaya in shirkadda Dalkom ay leeyihiin Mahad Salaad (Agaasimaha NISA) iyo Mustafe Yaasiin (Madaxa NCA), taasi waa mid xaqiiqada ka fog iyo been abuur aan loo meel dayin. Lahaanshaha Dalkom Somalia cid kasta oo si dhab ah u raadisa macluumaadkaas waxay si fudud uga heli kartaa diiwaanka shirkadda ee Wasaaradda Ganacsiga. Sheegashada ah in Dalkom loo magacaabay wakiilka kaliya ee Huawei Technology waa been abuur xaqiiqda ka fog. Shirkadda Huawei waxay warqado wakaalad ah u qortay dhammaan macaamiisheeda Soomaaliya oo ay ku jiraan shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta ee isticmaala Qalabkeeda.

Dib-uga-noqosho iyo Raali galin wararka been abuurka ah:

Dalkom Somalia waxa ay aaminsantahay hufnaan iyo isla xisaabtan. Ka Shirkad ahaan, waxaan mar walba diyaar u nahay in wax laga ogaado howlada baaxadda leh ee aan bulshada Soomaaliyeed u hayno. Si kastaba ha ahaatee, wax ka ogaansha howlaha aan bulshada u hayno waa in loo maraa si mas’uuliyadi ku jirto, cadaalad iyo hufnaan.Waxaan usoo jeedinaynaa shaqsiyaadka ku fooggan faafinta xumaanta iyo wararka been abuurka ah ee xaqiiqada ka fog kana dhanka ah shirkadda Dalkom Somalia in ay si degdeg ah u uga saaraan qoraalladaas aan laga fiirsan oo ay ka muuqato fudeyd iyo in aan si qoto dheer loo taxliilin, raaligelinna ka bixiyaan.

Xasuusin!!!!!!!!!

Hadaba Shirkadda Dalkom waxaa ka go’an in ay ilaaliso qiyamkeeda iyo sharafteeda taasoo aysan marnaba gor gortan ka galeyn waxayna qaadeysaa talaabo kasta oo sharci oo ay ku ilaalineyso sharafteeda iyo karaamadeeda.