Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo sii amba-qaaday shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrika ee Bari, kaas oo ka socday Muqdisho. Shirkan ayaa ahaa mid horey uga dhashay khilaaf u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii xukuumadda Addis Ababa ay ku dhawaaqday inay keeneyso ciidankeeda badda.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.
Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaableh ku soo bandhigay shirkii hore, iyaga oo lasoo baxay heshiis ay sheegeen in dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, kaas oo dhigaya in xilligaas ay Soomaaliya ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.
Dhankooda, saraakiisha Soomaaliya oo uu markaas hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa si adag uga horyimid qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda, wuxuuna shirku maalintaas kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan.
Maalmo kadib shirka ayaa maanta lasii amba-qaaday waxaana saaka guddoomiyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka ee ku aadan horumarinta dalalka ku bahoobay madasha.
Sidoo kale wuxuu mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada oo ugu horreeyaan saaxibada ciidanka usoo diray diray.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale xusay in ay tahay markii u horreysay oo Soomaaliya ay martigelisay shirkan, laguna qabto Muqdisho, taas oo uu tilmaamay inay geliyeen dadaal xooggan.
“Shirku waa muhiim, runtii 5 maalmood ayuu socday maalinkii u dambeysay ee lasoo qatimayay weeye, waana markii koowaad ee Soomaaliya lagu qabtay” ayuu yiri Fiqi.
Dhanka kale, wasiirka oo sii hadlaya ayaa ku dhawaaqay in hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu haatan wajahayo dhaqaale la’aan baahsan, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah, si looga fakiro mustaqbalka howlgalkan iyo sii socoshadiisa.
“Howlgalka Midowga Afrika oo xaqiijjiyay guullo waawayn oo la gaaray hadda wuxuu wajahayaa caqabado xaga dhaqaalaha ah weiba bilihii u dambeeyay” ayuu sii raaciyay.