Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah, dib loo dhigay ilaa Isniinta, 5-ta bisha Maajo 2025.
Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka, sida lagu xusay bayaanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal muhiim ah oo ay ku kulmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si ay uga wada hadlaan arrimaha dalka u muhiimka ah, sida amniga, doorashooyinka, iyo dib-u-habaynta dastuurka.
Dib-u-dhigista shirka ayaa timid maalmo kadib markii uu qaadacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo shuruud ku xiray ka-qaybgalka.
Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabanayso heshiisyadii ay horay uga baxday, kuwaas oo sababay khilaafka labada dhinac.
“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay waa wixii lagu heshiiyey oo laga leexday. Ilaa lagu soo noqdo wax heshiis ah, cidina dib uma noqonayso. Xasan Sheekh ha ka dhabeeyo ballanqaadkii gogosha, hana ku soo laabto wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in uu khilaaf kale ka taagan yahay ka-qaybgalka Madaxweynaha SSC-Khaatumo ee shirka, iyadoo ay arrintaas diidan yihiin madaxda goboleedyada HirShabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed.
Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inay diidan yihiin aqoonsiga maamul ee la siiyey SSC-Khaatumo, halka weli aan si rasmi ah loo go’aamin maqaamka gobolka Banaadir. Sidoo kale, Lafta-gareen ayaa saluug ka muujiyey in beelaha Daarood iyo Hawiye ay haystaan shan maamul-goboleed, halka beesha uu ka soo jeedo ay ku koobantahay hal.
Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa ku macneeyey dib-u-dhigista shirka fursad dheeri ah oo lagu sii wado wadatashiyada muhiimka ah ee u dhexeeya Madaxda Qaranka, si loo xaqiijiyo in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo miro-dhal ah.