27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Shirkii Kismaayo oo fashil ku soo dhammaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inuu fashilmay shir maalmahaani halkaasi uga socday qaar kamid ah Beelaha dega gobollada Jubbooyinka.

Shirka oo uu dhawaan halkaasi ka furay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in iminka natiijadiisa uu noqday fashil, kadib markii Ergooyinkii shirka lagu heshiisiinaayay ay ku kala booden qodobada dhextaalka u ahaa dhinacyadaasi.

Fashilka shirkaasi ayaa waxaa Saxaafada u xaqiijiyay Axmed Ibraahim Guuleed oo ka mid ah Ergadii ka qeyb gashay shirkaasi ayaa tilmaamay in uu fashilmay shirka Kismaayo.

Axmed Ibraahim waxa uu sheegay in sababta uu shirka u fashilmay ay aheyd kadib markii ay isku afgaran waayeen ergadii ka qeyb galeysay waxaana uu intaas ku daray in marka horaba uu shirka ahaa mid lagu marin habaabinayay beelaha dega jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in shirka aan bilowgiisa horaba laga qeybgalin dadka uu khuseeyay, waxa uuna farta ku goday in cida khilaafka uu hareereeyay ay tahay Siyaasiyiinta Beesha Sade.

Geesta kale, Shirka Magaalada Kismaayo ee uu furay Madaxweynaha Jubbaland ayaa weli waxaa ka muuqda is jiid jiid xoogan marka loo eego cabashooyinka ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News