Shirkii madaxda dowladda iyo D/Goboleedyada oo soo xirmay iyo xog laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka dhacay teendhada Afisyoone ayaa lasoo geba-gebeeyey, kadib saacado ay is hor fadhiyeen madaxda.

Shirka ayaa waxaa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, hoggaaminayey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo Puntland iyo Jubaland aysan taas qirin.

Shirka maanta ayaa waxaa dibad-joog ka ahaa warbaahinta, hase yeeshee kadib shirka ayaa warar aan ka helnay xubno ku dhow qaar ka mid ah madax goboleedyada, waxay noo sheegeen in inta badan kulankii maanta uu ahaa kalsooni dhis, oo ay dhinacyadu isugu soo dhowaanayeen, islamarkaana aysan jirin qodobo badan oo si weyn looga dooday.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxda ay ku ballameen in mar kale ay berri shir isugu yimaadaan, taasi oo ay ku tilmaameen horumar, maadaama markii ugu horreysay ay isa soo hor-fariisteen madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ay sida weyn isku hayaan ee Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Shirkan ayaa horudhac u ah shirweynaha wada-tashida qaran ee arrimaha doorashad, waxaana looga hadlayaa ajendaha shirkaas, oo ay dhinacyada si weyn isugu hayaan.

Kooxda Farmaajo uu hoggaaminayo, oo ay ku jiraan madax goboleedyada taabiciyiinta ah, ayaa doonaya in ajendaha uusan ka bixin qodobada heshiiskii 17-ka September 2020, islamarkaana wixii dood laga keenay ee ku jiray qodobadaas dib looga wada xaajoodo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa iyagana ku doodaya in kadib heshiiskaas ay dowladda sameysya carqaladeyn badan, sidaas darteena wax kasta oo kadib dhacay ay tahay in laga wada-xaajoodo.