Shirqool halis ah oo afar dal ay u dhigeen dalka Qatar oo shaaca laga qaaday

Doha (Caasimada Online) – Imaraatka Caraba, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar ayaa qorsheyay inay ku duulaan dalka Qatar sanadkii 1996, sida uu Baahiyay TV- Al Jazeera.

Isaga oo la hadlayay TV-ga Al Jazeera, Paul Barrel wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu hogaaminayay qorshaha Weerarka kadib markii kooxda ku fashilantay Afgambiga ay kasoo horjeedeen qoyskii sanadkaasi xukumayay Dalka Qatar.

Barrell ayaa u sheegay Al Jazeera in Imaaraadka Carabta uu siiyay isaga taageero weyn  oo la doonayay in howlgalka lagu fuliyo, isaga iyo kooxdii la socotay ayaa lagu martiqaaday hotelka Intercontinental ee magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo hub badan uu ku keydsanaa.

Wuxuu sidoo kale Barrel Qiray in isaga iyp kooxdiisa la siiyay baasaboorka Imaaraatka Carabta si ay ugu fududaato dhaqdhaqaaqooda, isaga oo tilmaamay in dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayed uu ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Imaaraatka, waxaana uu ahaa ruuxa siiyay Baasaboorka, sidoo kale kooxda la socotay ayaa helay tababar dheeri ah si ay weerarka u qaadaan, sida uu sheegay Barrell.

Barrell ayaa horey Sacuudiga kaga caawiyay inay dib ula wareegaan maamulka Masjidka Grand Mosque oo ku yaala magaalada Mecca sanadkii 1979, markii 500 oo ruux oo uu hogaaminayay Juhayman Al Otaybi la wareegeen.

Marka la eego howlgalka Sanadkii 1996, hub culus oo laga keenay dalka Masar oo qeyb ka aheyd howlgalka,  iyo askar lagu tababaray Imaaraadka Carabta oo howlgalka qeyb ka ahaa waxaa xarunta xiriirka u aheyd dalka Baxreyn. 

Wareysiga uu bixiyay ayuu ku sheegay in weerarka xiligaasi la qorsheeyay uu ahaa mid la doonayay in lagu qaado dalka Qatar, waxaana uu sawiro ka qaaday xarumo meletari, qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo la doonayay in la weeraro.

Qorshaha ayaa waxaa ku jiray diyaarad siday 3,000 oo Caloosheed u shaqeystayaal reer Chad ah oo la doonayay in laga dajiyo magaalada Doha, madaxweynaha Chad ee Xiligaasi Idriss Deby ayaa qaatay adduun lacageed gaareya 20 Milyan oo doolar si uu u ansixiyo Howlgalka.

Howlgalka waxaa ku baxayay dhaqaalo gaaraya 200 Milyan oo doolar, sida uu sheegay 70 Jirka lagu magacaabo Barrell oo ah ruuxa howlgalka hogaaminayay, waxaana xiligaasi la xiriiray madaxweynihii Faransiiska oo ka codsaday inuu joojiyo howlgalka.

Wuxuu intaasi ku daray in haddii qorshahaasi uu dhici lahaa in natiijadiisa ay noqon laheyd “Xasuuq”.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
Caasimada@live.com