‘Shirqool lagu dili lahaa’ xildhibaan SACDIYA oo lagu eedeeyey madaxweyne Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Meheri ee Puntland ayaa kulan warbaahineed ay ku qabteen magaalada Muqdisho si weyn ugu cambaareeyay dhacdadii Boosaaso ee dib looga celiyay diyaaradii ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar.

Waxay sheegeen in ujeedada laga lahaa celinta diyaaradaas oo siday gar-gaar ay aheyd isku day dil oo lagu khaarajin lahaa Sacdiya, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

“Sacdiyo waa Xildhibaanad kasoo jeeda maamul goboleedka Puntland waxay aheyd in xushmad gaar ah la siiyo, meysan noqon. Waxaa loogu tala-galay in diyaaradii siday Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya ahna ku-simaha Madaxweynahay ay ku qalibato oo ku shidaal beeshay madaarka korkiisa.”

Sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in qaabkaas foosha xun loola dhaqmo Sacdiyo, oo ayadu isku xil-qaamtay wax ay garan waayeen madaxda u sareysa ee maamulka Puntland.

“Hadaad talada badin laheyd (Deniyow) waxa maanta dhacaya ee dhibaato ah meysan dhaceen, aad baa uga xumahay in ay Puntland meeshaas mareyso oo qofka reer Puntland uu ku jiro shaki iyo walaac oo leeyihiin maxay ku dambeyn doonta.”

Ugu dambeyntiina Suldaanka beesha Cabdillaahi Jaamac ayaa sheegay in madaxweyne Saciid Deni ay ka baahday, ayna aad uga xun yihiin meesha uu gaarsiiyay Puntland, isagoo ka dalbadeyna inuu dib isugu laabto.