25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Shirqool: Soomaaliya oo la rabo in la hoos geeyo Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Istiraatiijiyadda Isdhexgalka IGAD ee 2021–2025 ee la sheegayo wax kale ma aha ee waa ajende khatar ah oo si qaldan loo diyaariyey, ujeedkiisuna yahay in lagu xayuubiyo madax-bannaanida dalkeena, lagu burburiyo midnimadiisa dhuleed, laguna hoosgeeyo shacabka Soomaaliyeed saameyn shisheeye — gaar ahaan tan Itoobiya.

Waa in la xasuusnaadaa: IGAD markii hore looma aasaasin sidii aalad siyaasadeed oo wax lagu cabburiyo. Ujeeddadeedii bilowga ahayd waxay ahayd mid sharaf leh oo fudud: in la mideeyo dadaallada wax lagaga qabanayo abaaraha, nabaad guurka, iyo caqabadaha deegaanka iyo beeraleyda ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, ujeeddadaasi mar hore ayaa la leexiyay.

Iyadoo uu si toos ah u saameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, IGAD waxaa loo rogay aalad siyaasadeed iyo millatari oo lagu maamulo Soomaaliya. Halkii ay taageeri lahayd dib-u-dhiska dalka ee ka soo kabanaya tobannaan sano oo colaado ah, IGAD waxay isu beddeshay caqabad wiiqeysa nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya, horumarkana carqaladeysa, iyadoo dalka ku haysta xaalad degganaansho la’aan iyo ku-tiirsanaan shisheeye.

Ma la caawinayo Soomaaliya, waa la maamulayaa.

Maanta, Soomaaliya wax faa’iido ah kama hesho xubinimada IGAD—waxba. Taas waxaa ka sii daran, istiraatiijiyadda cusub ee la soo jeediyay waxay si toos ah u halis gelinaysaa jiritaanka Soomaaliya oo xor ah. Waxaa nalagu qasbaya in aan furno xuduudaheenna, ka tanaasulno maamulkeenna socdaalka, islamarkaana aan aqbalno malaayiin Itoobiyaan ah oo si xor ah uga dhex shaqeeya, uga guura, kuna noolaada gudaha Soomaaliya, iyaga oo leh xuquuq la mid ah tan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tani ma aha isdhexgal — waa duullaan dadweyne oo si sharci ah loo qarinayo.

Istiraatiijiyaddan ma aha mid ujeedadeedu tahay nabad, mana aha mid u adeegaysa barwaaqo. Waa qorshe gumeysi oo si ula kac ah loogu talagalay in lagu:

  • Daciifiyo hay’adaha dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya;
  • Wiiqo amniga qaran iyo xuduudaha dalka;
  • Laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyadoo lagu dhuumanayo magaca iskaashi goboleed;
  • La caburiyo Soomaalinimada, gudaha Soomaaliya iyo deegaannada Soomaalida ee Itoobiya iyo Kenya.

Qorshahan waxa uu la mid yahay qaladkii laga galay markii Soomaaliya ay si degdeg ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), halkaas oo aan bixinnay kharash fara badan iyo sumcad, balse aan helin wax faa’iido ah marka laga reebo ballanqaadyo been ah iyo faragelin shisheeye.

Maanta, waxaan sanad walba bixinaa $7 milyan oo dollar oo xubinimo ah — maxaase aan ka helnaa? Waxba.

Su’aashu waa: Yaa ka faa’iideysanaya ajandahan? Shaki kuma jiro in aysan shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaysanayn. Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalamaysa nolol dhaanta kama faa’iidaysanayaan. Waxaa si cad u muuqata in ajandahan ay riixayaan wakiillo shisheeye iyo mas’uuliyiin sahashanaya khatarta weyn ee ka dhalan karta dhiibista madax-bannaanideenna.

Waxaa layaab leh sababta wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Cumar (Balcad), uu si xamaasad leh ugu ololeynayo istiraatiijiyaddan khatarta ah. Tani waxay dhaliyaan su’aalo culus oo ku saabsan daacadnimadiisa iyo ujeedooyinka uu leeyahay. Maxay tahay faa’iidada uu shakhsiyan ka helo haddii Soomaaliya laga dhigo dal hoos taga Itoobiya? Waxaa la ogyahay in IGAD ay mar walba hoostagayso Addis Ababa.

Waa in aysan jirin wax shaki ah: Soomaaliya uma baahna IGAD. Waxa aan u baahanahay waa in aan dib u dhis ku samayno hay’adaheena annagoo xor ka ah faragelinta shisheeye. Waa in aan gacanteenna ku maamulno xuduudaheenna, siyaasaddeenna, iyo dhaqaalaha dalka — si ay ugu adeegaan danaha dadka Soomaaliyeed.

Istiraatiijiyadda Isdhexgalka IGAD ee 2021–2025 waa in si buuxda loo diidaa. Looma baahna in wax laga beddelo. Looma baahna in laga doodo. Waa in la diido gabi ahaanba, si loo badbaadiyo madax-bannaanida, jiritaanka iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Tani waa khad casaan ah oo aan la gudbi karin.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO!

Mukhtaar Caynaashe

- Advertisement -

Read more

Local News