26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Shuruud lagu xiray ansixinta wasiirada cusub ee uu soo magacaabay R/W CC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay ansixinta golaha wasiirada ee uu soo dhisayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xasan, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada ay matalaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan ogolaan doonin waxyaabo dhibaya shacabka Soomaaliyeed.

Khaliif Maxamed, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan xildhibaanada wakiilka kaga ah dowlada Soomaaliya isagoo sheegay inay mar walbaa daneynayaan waxyaabaha danta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inaysan marnaba ansixin doonin xukuumada uu soo dhisayo ra’iisul wasaaraha dalka haddii aysan ku qanacsaneyn shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu ka fiirsado xukuumada uu soo dhisayo, isagoo kaga digay inuu soo celiyo kuwii horay ay uga soo horjeedeen.

Sidoo kale xildhibaan Khaliif Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka looga baahan yahay inuu ka fakiraa golaha wasiirada inuusan kusoo darin dad doonaya inay ku guuleystaan doorashada 2016, kuwaasi oo uu kala jeeday inay taageersan Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News