Allaha unaxariistee waxaa saaka Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed iyo Hal abuure.
Dr.Kadare ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo muddooyinkaan dambe uu ku xanuunsanaayay, xilli caafimaad dibada ah loo qaaday, kadibna dalka lagu soo celiyay.
Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare, ayaa soo noqday Guddoomiyihii Guddiga Qorista Farta Soomaaliga,waxaana sidoo kale uu wax ka Qoray Buug ka hadlaya Taariikhda dalka
Allaha unaxariistee Marxuumka ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku xasuusanayaan Aqoontiisa iyo doorkii uu ka qaadan jiray in afka Soomaaliga uusan lumin.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Marxuumka oo ka hadlaya taariikdiisa iyo heerarkii noloshiisa waxaaan idin soo xulnay wareysi uu la yeeshay Suxufiga weyn ee TERRA barnaamijkii Fool-ka-fool.
Hoos ka daawo muuqaalkaasi qiimaha leh

