32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

R/W CCC oo madaxweyne XASAN kala hadlay arrimo muhiim ah (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Xafiiska Madaxweyne Xassan uu kulan xasaasi ah uga socdo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kulankaasi uu yahay mid ay labada Mas’uul uga wada hadlayaan xiisada Siyaasadeed ee xiligaani ka taagan Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, waxa ayna wararku sheegayaan in R/W CC uu xasan uga cabanaayo dhibaatooyinka ka heysta dhanka BF.

R/W CC oo isagu aad uga careysan fashilada uu kala kulmaayo Xildhibaanada, ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan ka codsanayaa inuu ka gaabiyo arrimaha la xiriira Xukuumadiisa, maadaama uu Golaha fashil ku dhacay markii labaad islamarkaana loo sababeynaayo la tashiyada uu CC la sameynaayo Xassan Sheekh.

Sidoo kale, Warar hoose ayaa sheegaya in R/W CC uu madaxweyne Xassan ku wargaliyay haddii uu fashil ku imaado xukuumadiisa wareega soo socda ay taasi ka dhignaan doonto in cilada ugu weyn ay tahay mid ay Xildhibaanada ku muujinayaan cabashooyin hoose loona baahan yahay in inta ka horeysa mudada la qabtay la qanciyo Xildhibaanada si loo ogaado sababaha ka dambeeya diidmadooda ku aadan Xukuumada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa weli ku adkeysanaayo mabda’a nin jecleysiga waxa ayna taasi sabab u noqotay colaad ka dhex dhalata Xukuumada iyo BF Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News