Qarax xooggan oo goor dhow dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM  Qarax Khasaaro geystay lagula eegtay bartamaha Magaaladaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa miinada nooca  dhulka lagu aaso, iyadoona uu Ciidamada Qaraxaasi haleelay  xili ay marayeen Xaafada Ruusiya.

Qaraxa ayaa wuxuu haleelay  gaari booyad ah oo ciidamada AMISOM ay ku doonayeen biyaha.

Waxan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha Qaraxaasi kasoo gaaray Ciidamada markii laga reebo gaariga booyada ah, inkastoo goobjoogayaal ay kusoo waramayaan in Qaraxa kadib ay Ciidamadu fureen rasaas xoogan  oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ahaa.

Dhanka kale, Maamulka Degmada Marko ayaan weli ka hadal Qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com