Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa goordhoweyd soo saaray shuruudaha laga rabo musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Shuruudaha uu guddiga soo saaray ayaa waxa kamid ah in Xildhibaanka isku soo tagaya jagadaas uu haysto Aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card-ka).
Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka in 19-ka illaa 22-ka April ay soconeyso diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka.
Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;
- Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)
- Arjiga caddeynta Musharaxnimo
- Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)
- Labo Sawir
- Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe
- Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada
- Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa
- Foomka soo-joodinta Musharaxnimada
Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ay maanta si wada-jir ah u ansixiyeen labada gole jadwalka doorashada guddoonka labada aqal, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa dadajinta doorashada madaxweynaha.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.
Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 22-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.
Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.