Shuruudo sagaal qodob ah oo lagu xiray musharaxiinta madaxweynaha Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha iyo madaxwayne ku-xigeenada Galmudug.

Guddiga doorashada ayaa soo saaray 9 qodob oo looga baahan yahay inay fuliyaan musharaxiinta, waxaana ugu muhiimsan inuu qofka yahay muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka Galmudug, islamarkaana uu haysto shahaado jaamaceed ama waayo aragnimo hogaamineed oo 5-sano ah.

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in musharaxa u tartamaya xilka madaxweynaha laga doonayo inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo dollar, halka madaxweyne ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo dollar.

Hoos ka akhriso shuruudaha ay soo saareen guddiga doorashada Galmudug