Xog: Wasiir ka tirsan DF Soomaaliya oo maanta lagu rasaaseeyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Siid Cabdullaahi ayaa maanta lagu rasaaseeyay degmada Boodheere ee gobalka Banaadir, gaar ahaan bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.

Falkaan oo dhacay xiliga duhur waqtiga magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay kontaroolka ku yaala taalada Daljirka Daahsoon, waxaana wasiirka lagu riday ugu yaraan 3 baalooto.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka ay rasaaseeyeen wasiirka oo watay gaari nuuca raaxada ah oo ka soo gudbay kontaroolka, isagoon ciidamada u geysan aqoonsiga si loo hubiyo islamarkaana uusan qaadan digniino loo jeediyay ka hor inta aan la rasaaseynin.

Ma jirto cid xaqiijin karta in wasiirka ka war qabay sharciga kontaroolka oo ah in qofka ka soo dago gaariga, aqoonsina ugeesto ciidanka oo u jira dhowr talaabo. Sidoo kale ma jirto cid xaqiijin karta in wasiirka uu arkay islamarkaana uu ka dhaga adeegay digniinta la siiyay iyo in kale.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa kaligiis saarnaa gaarigii uu watay oo nuuciisa yahay Baraado, waxaana muddo dood taagneyd kadib wasiirku loo ogolaaday in uu wadadaasi maro.

Lama oga in wasiirka ku qancay doodii dhaxmartay isaga iyo ciidanka iyo in kale mana jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay wasiirka iyo taliska ciidamada.