WAARE oo kulamo xasaasi ah ka bilaabay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday Beledweyne ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xiisada gobolka Hiiraan, gaar ahaan khilaafka ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Waare ayaa kulamadaas la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Beledweyne, isagoo ka dalbaday inay ka taageeraan, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka salka ku haya dhinaca maamulka ee weli ka taagan gudaha degmada Buulo-Burte.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay, sidii loo xasilin lahaa xiisadaha ka jira Hiiraan oo muddo wajaheysa culeys siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda HirShabelle, siyaasiyiinta gobolka iyo sidoo kale waxgaradka deegaanka.

Dhowaan Madaxweynaha HirShabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi ayaa tegay Buulo-Burte, basle wax natiijo ah kama soo bixin socdaalkaasi.

HirShabelle ayaa u muuqata inay ku fashilantay siyaasadda Hiiraan, waxaana taas sabab u ah sida la sheegay isbedalka deg dega ah ee ay ku sameyso mas’uuliyiinta gobolkaasi.