Xog: Xilliga ay doorashada HirShabelle dhaceyso iyo xil loo ballan-qaaday Waare

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan IGAD iyo qaar kamid ah safiirada beesha caalamka ayaa is faham ka gaaray xiliga ay qabsoomeyso doorashada HirShabeelle kadib kulamo ka dhacay Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in doorashada HirShabelle la qabto bilaha March ilaa April, waqtigeedana laga soo hormariyo afar ilaa saddex bil.

Sidoo kale dhinacyada ayaa isku afgartay in wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya ay maamulka kala shaqeyso jawiga doorashada iyadoo ay wasaaradu waajib ka saaran tahay in doorasho daah furan ka qabsoonto Jowhar.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Waare lagula heshiiyay in loo magacaabo xil sare oo ka tirsan xafiiska IGAD ee Soomaaliy,a kaas oo ah mid ku yimaada codsiga iyo magacaabista dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Waare lala galay heshiis kale oo aan la soo bandhigin, kaas oo u dhaxeeya isaga iyo xukuumadda waxaana heshiiskaas lagu sheegay in uu yahay sharuud ku xiran shaacinta xiliga doorashada hadii ay xukuumadda ka soo bixi weysana laga yaabo in madaxweyne Waare iska diido natiijada heshiiska doorashada HirShabeele ee soo hormarinta ah.

Waxaa la aaminsan yahay in xukuumadda Soomaaliya aysan dhib badan ka mari doonin dhismaha HirShabeelle markii loo eego Galmudug oo ay ku raagtay. HirShabelle hadda waxaa saameen weyn ku leh dowladda Soomaaliya, waana sababta keeneysa in dowladda aysan wal wal badan ka qabin xaalada doorasho ee HirShabelle.