Shuuriye: Jawaari ayaa ka dambeeya mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada Jubaland, ayaa si adag uga hadlay Mooshinka laga soo gudbiyay Baarlamaanka Jubba.

Waxa uu sheegay in Mooshinka uu yahay mid ay hogaaminayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia iyo Baarlamaanka DF Somalia.

Xildhibaanka waxa uu Tilmaamay in Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubba Mas’uuliyiinta ka shaqeysay uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, sida uu hadalka u dhigay

Mooshinkaasi diyaarintiisa ayuu ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uuna cadeeyay in Cumar looga baahnaa in xili hore uu cadeeyo Mowqifkiisa ku aadan Mooshinka Baarlamanka Jubba laga keenay.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Dowlada Federaalka Somalia ay iyadu dhisto Maamul Goboleedyada dalka, hadana ay iyadu ka shaqeyso burburintooda.

Dhanka kale, waxa uu Gudoonka sare ee BF Somalia ugu baaqay inaysan hir galin Mooshinka socda haddii ay dhacdana ay sababi doonto dhibaatooyin hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com