Dagaalkii ka dhex qarxay Habargedir iyo B/MAAL

Marko (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in caawa dagaal uu ka bilowday degmadaasi.

Wararka dadka deegaanka aan ka heleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday Xaafada Waa Cuneynaa waa Cabeynaa ee magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo labo maleeshiyo beelood oo wada daga degmada kuwaasi oo muddo badan ku dagaalamayay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Lama oga ilaa iyo hadda heerka uu gaarsiisan yahay qasaaraha dagaalka ka socda magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo bilowday maqribkii.

Saraakiisha maamulka degmada Degmada Marko ayaa ka gaabsaday iney ka hadlay dagaalka dib kaga qarxay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Marko
Caasimada@live.com