Warar dheeri ah oo ka soo baxaya weerarkii lagu qaaday xildhibaannada oo mid uu geeriyooday !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Weerar culus oo lagu qaaday Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo wada saarnaa gaari nooca raaxada ah xili ay kasoo baxeen Xarunta Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo kamid ahaa Xildhibaanada la weeraray ayaa waxa uu goordhow u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray weerarkii galabta isaga iyo Xildhibaan Cabdalla Boss loogu geystay Magaalada Muqdisho.

Labada Xildhibaan oo watay gaari SUZUKI ahaa, ayaa waxaa weeraray rag la socday gaari Qooqan ah, iyadoo la tilmaamay in rasaas xoogan ay oodda kaga qaadeen, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay wadada Maka Al Mukarama.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir, ayaa u geeriyooday rasaas kaga dhacday meelo kala duwan, halka ay xaaladiisu degan tahay Xildhibaan Cabdalla Boss, walow wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Boss uu isna geeriyooday.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in goor dambe uu geeriyooday darawalkii gaariga ay la socdeen labada Xildhibaan, iyadoo dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi uu u geeriyooday.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo si kooban kaga hadlay geerida, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com