Xarunta baarlamaanka oo maanta kala carar uu ka dhacay kadib markii waxyaabaha qarxa laga…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Xarunta Baarlamaanka Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in agagaarka xaruntaasi lasoo dhigay waxyaabaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi gabi ahaanteeda la xiray, kadib markii baqdin laga muujiyay in Miinooyinkaasi ay qarxaan xili uu socdo ka doodista Mooshinka Jubba oo la filaayo in lasoo gabagabeeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xarunta aysan soo xaadirin Xubnaha qaar, halka qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada ay dib ugu laabteen guryahooda, sababo la xiriira Qaraxyada lasoo dhigay agagaarka Xarunta.

Xildhibaanada dib uga laabtay Xarunta ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen amaan darida ka dhalankarta Xarunta marba hadii agagaarka xarunta lasoo dhigay Qaraxyadaasi dhowrka kiilo ah.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa ka biyo diiday in ay xarunta Baarlamaanka ka laabtaan, waxa ayna taa badalkeeda ku tilmaameen qaraxa la sheegayo in uu yahay mid been ah oo la doonayo in kulanka Baarlamaanka lagu baajiyo si aan codka loogu qaadin Baarlamaanka Jubba.

Geesta kale, warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka baarlamaanka Somalia uusan wali furmin, waxaana kulanka baarlamaanka maanta la qorsheenayay in ay cod u qaadan mooshin ka dhan ah Baarlamaanka Jubba.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxaana aad looga cabsi qabaa in go’aan ka gaarista Mooshinka Jubbaland uu biyo dhiciisu noqdo mid qalqalgalinta amaanka kusoo dhamaada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com