Maamulka AXMED Madoobe oo shaaciyay cidda dhaqaalaha ku bixineysa mooshinka Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha iyo labada gole ee Maamulka Jubbaland ayaa xiligaani tuhunsan in Mooshinka laga wado Baarlamaanka Maamulka Jubbaland uu qeyb ka yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dareenka Maamulka uu qabo ayaa ah in xitaa hadii uusan isagu ka dambaynin abuuritaankii mooshinka uu bixiyo dhaqaalaha mooshinkaasi ku baxaya, waxa ayna arrintaasi tuhun hor leh galisay Hogaanka sare ee Maamulka Jubba.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Jubaland oo laba maalin ka hor ku shiray Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa Ra’isul wasaaraha dalka ugu baaqay inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan Mooshinkan ka dhanka ah Jubaland.

Waxa ay kulankooda ka sheegen in Ra’isul wasaaraha dalka uu kaalinta koowaad kaga jiro Mooshinka iminka socda, waxa ayna caddeeyeen in isaga uu ku bixinaayo dhaqaalaha.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba ayaa isaguna dhawaan daboolka ka qaaday in baaritaano ay sameeyen ay ku ogaaden in Mooshinka laga soo gudbiyay Baarlamaanka Jubba ay gadaal ka riixayaan Madaxda ugu sareysa dalka, waxa uuna si dadban carabka ugu dhuftay Ra’isul wasaaraha dalka.

Geesta kale, shakigaani ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan Maamulka Jubbaland ay Ra’isul wasaare Cumar ka dalbadeen inuu xaliyo arrinta Mooshinka, hayeeshee ay ku gacanseeren.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com