Shariif Xasan oo ka hadlay sababta keentay inay arrinta Axmed Madoobe u gudbiyeen caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay faraha kasii baxeyso dhaliilaha ay hawada isu marinayaan Maamulada Koofur galbeed iyo Jubbaland, ayaa waxaa mar kale arrimahaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xassan ayaa sheegay in sababaha ay ku heystaan Maamulka Jubbaland uu yahay mid salka ku hayo Khilaafka Baarlamaanka Jubba, waxa uuna sheegay in dhaliishooda ay tahay mid iska cad oo aan faafaahin u baahneyn.

Waxa uu sheegay in arintaan ay u gudbiyeen Xubno ka tirsan Beesha caalamka iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya si wax looga qabto dhaliisha ka taagan qaabka loo soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay in Axmed Madoobe uu si cad u qaadacay Hanaankii ay kuwada noolaan lahaayen Beelaha dega Deegaanada Jubbooyinka waxuuna carabka ku dhuftay in Axmed Madoobe uu dhowr jeer u diray baaqyo kala duwan balse uu ku gacanseeray si wax looga badelo Hanaanka lagu soo xulay Baarlamaanka Jubba iyo qaabka lagula dhaqmaayo Bulshada kasoo jeeda Koofurta Somalia ee halkaasi ku nool.

Sidoo kale, Shariif Xasan wuxuu tilmaamay in dadka kasoo jeeda Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya cadaalad daro weyn ay ka tabanayaan Maamulka Jubbaland, isaga oo sidoo kale sheegay in arintaan xalkeeda ay uga fadhiyaan Dowladda iyo Xubnaha Beesha caalamka, hadii la waayana ay qaadi doonaan talaabo ay xuquuqdooda kusoo dhacsanayaan.

Dhanka kale, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu go’aan cad ka qaadanaya dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo dhibaato ay ka taagan tahay tan iyo markii la dhisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com