Shirar gaar gaar ah oo ka socda KISMAAYO iyo Axmed Madobe oo ka walaacsan waxa maanta…

Kismaayo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ka socdaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Shirarka ayaa u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubba iyo qaar kamid ah wasiirada maamulkaasi, kuwaasi oo ka socda magaalaa Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Jubba iyo ku xigeenadiisa dhankooda ay kulamada qeyb ka yihiin.

Kulankii ugu horeeyay oo ah mid xasaasi ah waxaa yeeshay xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba, kaasi oo ka dhacay madaxtooyada maamulka Jubba.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulamadaasi dhamaantood la doonayo in jawaab looga dhigo go’aanka ay qaadanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku shirsan magaalada Muqdisho.

Mooshinka laga gudbiyay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubba ayaa dhaliyay qeylo dhaan badan iyo kala qeyb sanaan dhanka xildhibaanada baarlamaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com