Goorta la qabanayo SHIR beeleedka Puntland oo la shaaciyey iyo beesha caalamka oo diidan in…!

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa kowda bisha soo socota lagu qaban doonaa magalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, sida la shaaciyey.

Maxamuud Xaaji Saalah oo gudoomiye u ah guddiga shirka ayaa saxaafada kula hadlay magalada Garoowe, wuxuna sheegay shirku inuu socon doono mudo toban cisho ah, ergada lagu casumayna ay kasoo qayb gali doonaan.

Dib u eegista shirkii Puntland lagu dhisay, khilafka beelaha ayaa ka mid ah waxyabaha saldhigga u ah shirkan iyo dib u furida nidamka dimoqradayida.

Shirkaan ayaa qaban qaabadiisa waxaa si wadajir ah u wadey diblomaasiyiin beesha caalamka gaar ahaa midowga Yurub iyo dowlada Puntland u qorsheeyey dhaqaale iyo maamul ahaan in lagu qabto Garoowe kadib-na isbadal ayaa ka yimid dhanka la taliye-yaasha xukuumada madaxweyne Gaas.

Isbadalkaan ayaa sababey in loo badalo shirkaan magaalada Galgalkacyo taasoo sababtey kala aragti duwanaansho u dhexeeya beesha caalamka iyo dowlada Puntland ee qabsoomida shirka.

Beesha caalamka ayaa ku doodeysa inuu qabashada  shirkaan ay shuruud looga dhigey in kulankaan amni ahaan iyo siyaasad ahaan cilad ku noqon xasiloonida Puntland iyo maamulada dariska la ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com