Sida gobollada dalka u kala helayaan xildhibaannada haddii lagu salleeyo tiro

Nidaamka dimoqraaddiga ah waxaa lagu gartaa doorashada matalaadda shacabka si isla eg cadaaladna ku dhisan iyo nidaamka xisbiyada badan una furan dhammaan dadka wax doorta iyo kuwa ladoorto, waxaa kaloo lagu cabiraa mudda xileedka cayiman ee madaxda lasoo doortay, iyo in dadka fahami karaan shuruucda, habraaca ka qayb galka siyaasada.

Tiirka ugu horreeya ee matalaadda shacabka ee cadaaladda ku dhisan waxaa ugu weyn isla-ekaanshaha tirada dadka la matalayo, iyo  hab-raaca lagu miisaamo sinaanta mataalada shacabka waxaa ka mid ah, in tirada dadka kunool deegaannada xildhibaannada laga soo doorto siman yihiin, cabirka lagu ogaado miisaanka matalaadda cadaaladda ku dhisan waa helitaanka namabarka qoondada matalaada, ogaanshaha namarkan ayaa noqonaayo miisaanka matalaadda shacabka lagu cabiro.

Waxaa lagu helaa nambarka qoondada matalaadda shacabka, tirada dadka guud ee ku nool dalka waxaa loo qaybiyaa tirada xdhibaannada matalaya shacabka waxaa lahelayaa namabarka saxda ah ee qoondada matalaadda shacabka, sida ku xusan sahanka tira-koobki lasameeyay 2014-ka waxaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku nooshahay 12,316,895 qof, tiradan ayaa noqonaysa cabirka koowaad, tirada (275) xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa ah cibirka labaad, marka 12,316,895 loo qaybiyo 275 waxaan heleynaa nambarka qoondada mataladda shacabka (12,316,895/275= 44,788)

Nambarka qoondada matalaada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu noqday 44,788.

Waxaan halkan ku qeexeynaa qoondada matalaadda xildhibaannada Gobollada Soomaliya annagoo isticmaalayna namabarka 44,788.

Somaliland    78 Xildhibaan.

Awdal              673,263 ÷ 44,788 = 15 xildhibaan

W/Galbeed      1,242,003 ÷ 44,788 = 28 xildhibaan

Togdheer         721,363 ÷ 44,788 = 16 xildhibaan

Sool                 327,428 ÷ 44,788 = 7 xildhibaan

Sanaag            544,123 ÷ 44,788 = 12 xildhibaan

Puntland         24 Xildhibaan

Bari                  719,512 ÷ 44,788 = 16 xildhibaan

Nugaal             392,698 ÷ 44,788 = 8 xildhibaan

GalMudug      29 xildhibaan

Mudug             717,863 ÷ 44,788 = 16 xildhibaan

Galgaduud      569,434 ÷ 44,788 = 13 xildhibaan

Hirshabeele   24 xildhibaan

Hiraan              520,685 ÷ 44,788 = 12 xildhibaan

Sh/Dhexe         516,036 ÷ 44,788 =12 xildhibaan

Banaadir         37 xildhibaan

Banadir            1,650,227 ÷ 44,788 = 37 xildhibaan

K/Galbeed      53 xildhibaan

Sh/Hoose        1,202,219 ÷ 44,788 = 27 xildhibaan

Bay                   792,182 ÷ 44,788 = 18 xildhibaan

Bakool              367,226 ÷ 44,788 = 8 xildhibaan

Jubaland         30 xildhibaan

Gedo                508,405 ÷ 44,788 = 11 xildhibaan

J/Dhexr            362,921 ÷ 44,788 = 8 xildhibaan

J/Hoose           489,307 ÷ 44,788 = 11 xildhibaan

Tirada dadka guud 12,316,895 ÷ 44,788 = 275

Shaxdan kor kusan waxaa lagu saleeyay matalaadda ku salaysan tirada dadka kunool deegaannada, waana habka caalamiga ah ee loo isticmaalo jaangoynta qoondada kuraasta matalaadda shacabka, waxaana laga isticmaala wadamo badan ay ugu horeeyaan Mareykanka, waa habka ugu fudud dadkana ay fahmi karaan.

W/Q: Abdirahim Ahmed Dhageey