27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Siddeed kamid ah ciidanka ISRAEL oo lagu dilay GAZA – Sidee wax u dhaceen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Sideed kamid ah ciidamada Israel ayaa Sabtidi shalay lagu dilay koofurta Marinka Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay millatariga Israel, xilli ay ciidanka Israel wali ku sii siqayaan gudaha iyo hareeraha magaalada koofureed ee Rafax.

Milatariga Israel ’il waxay sheegeen in dhammaan askarta la dilay oo ka wada tirsanaa cutubka injinneeriyada, uu baar ay la socdeen oo ahaa kuwa gaashaaman laagu dhuftay walxaha qarxa.

Waxay kale oo sheegeen, in weerarka uu ka dhacay aagga Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafax aroortii hore ee shalay.

Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen ciidamada Israel ay u dhigeen miino lagu diyaariyay aaggaasi.

Taangiyda Israel ayaa kusii siqay xaafadda Tel al-Sultan, islamarkaana madaafiic ku garaacay aagga xeebta halkaas oo ay u qaxeen kumannaan qoys oo Falastiiniyiin ah.

Dhanka kale duqeymo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 19 Falastiiniyiin ah.

- Advertisement -

Read more

Local News