Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay ku guuleysteen inay soo furtaan 30 qof oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab.
Howl-gal si heer ah loo qorsheeyay oo xalay ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo furtay 30-ka qof oo ay ku jireen laba dumar ah.
Intii uu howl-galkan socday waxay ciidanku dileen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa saddex dagaalyahan.
Sidoo kale waxay ciidamadu burburiyeen intii uu socday howl-galka xabsi iyo maxkamad ay kooxda Al-Shabaab lahaayeen halkaasi, taasi oo dowladdu sheegtay inay ku dhibaatayn jireen dadka rayidka ah.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Intii uu howlgalka socday, ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo argagixisadu ku haysteen afduub.
Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay Khawaarijtu ku dhibaatayn jireen dadka rayidka ah.
Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha Khawaarijta ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

