Qorshaha cajiibka ah ee Al-Shabaab u adeegsatay inay gasho Itoobiya oo la shaaciyey

Jigjiga (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa weli laga helayaa xogta ku saabsan weerarkii cuslaa ee ay Arbacadii xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka, kadib markii ay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha guutada labaad ee ciidanka dowlad deegaanka Gaashaanle Sare Cabdi Cali Siyaad oo ka hadlay wararkaas oo haatan la soo afjaray, kadib howlgal qaatay 4 maalmood ayaa ka sheekeeyey, sida ay ugu suuragashay inay Al-Shabaab gudaha u galaan Itoobiya.

Gaashaanle Sare Cabdi Cali Siyaad oo la hadlayey warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay weerarkan qorsheysay muddo aad u fog, isla-markaana ay shabakad ka sameysatay gobollo ka tirsan dhulka dowlad deegaanka, sida Afdheer, Liibaan iyo Shabelle.

Siyaad ayaa xusay inay Al-Shabaab ay aas-aaska shabakaddaasi kala kaashatay odayaal deegaanka kasoo jeeda, oo uu sheegay inay markii horeba xiriir la lahaayeen.

“Waxaa jirtay in ururka argagixisada ay shabakad ka sameeyeen, shabakaddaas kolkii ugu horreeyey waxay ka bilaabatay in odayaal dhaqameed gobolka Afdheer iyo gobolka Liibaan iyo qaybo gobolka Shabelle ka mid ah in odayaal dhaqameed looga yeeray Soomaaliya oo ay uga yeereen ururka argagixisada, kuwaas oo markii horeba xiriir la sii lahaa,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha marka looga yeeray koonfurta Soomaaliya, kadib lagu soo qanciyey qorshaha Al-Shabaab ee ah inay unug ka sameystaan Itoobiya, kaas oo uu tilmaamay inuu fulay, kadibna ay sidaas kooxdu ku qaaday weeraradii dhacay.

“Waxaa la qabadsiiyey in gudaha wadanka Itoobiya sidii urur Al-Shabaab ah loogu beeri lahaa inay ka shaqeeyaan, ayaga oo adeegsanaya odayaalnimadooda qorshahaas ayey Al-Shabaab ka soo qaateen, waana u fulay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdi Cali Siyaad.

Waxa kale oo uu taliyuhu ka sheekeeyey, sida ay ku abuurantay shabakaddaan, wuxuuna tilmaamay in odayaashu ay deegaanada kasoo qoreen dhalinyaro fara baan, isla-markaana la geeyey magaalooyinka Jilib iyo Saakow oo lagu soo tababaray, sida uu hadalka u dhigay.

Dhalinyarada ayuu tilmaamay in qaab qarsoodi ah looga soo waday dowald deegaanka, isla-markaana laga dhigay inay wax kasoo baranayaan gudaha Soomaaliya, balse taasi bedelkeeda waxa uu hoosta ka xariiqay in lasoo tababaray, kadibna lagu soo celiyey deegaanka oo ay ugu dambeyn ka fuliyeen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Waxay bilaabeen markii dhalinyaro ay leeyihiin wax-bay Soomaaliya ka soo baranayaan in yacni laga qaado degmooyinka, waxaana la geynayey Jilib iyo Saakow meel la yiraahdo oo koonfurta Soomaaliya ah tababar ayuu ururka argagixisada halkaas ku soo siinayey tababarka lasiiyey dhowr nooc ayuu ahaa qaar waxaa la barayey qarax, qaarna tababarka caadiga ee ciidanimo ayey soo qaadanayeen,” ayuu markale yiri G/le Sare Cabdi Cali.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo guddiga amniga ee dowlad deegaanka uu ku dhawaaqay in lasoo afjaray weerarkii Al-Shabaab, ayna ka dileen ugu yaraan 100 xubnood, halka kooxdana ay sheegatay in ay dagaalladaasi ku dishay ilaa 87 ka tirsanaa Liyu Boolis.