Sidee ayay Ahlu-Suna u aragtaa wararka sheegaya in diyaarad hub sida ay uga timid Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Kooxda Ahlusunna ee Balanbal Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Ethiopia ay Hub kusoo daabuleyso deegaanka Balanbal.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay jiraan warar leysla dhexmaraayo oo ku aadan in Ahlusuna lagu wareejiyay Hub farabadan, balse waxa uu tilmaamay in haddalkaasi uu yahay mid aan fadhin.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in deegaanka Balanbal muddo ku dhow 5 Sanno aysan imaan Ethiopianka waxa uuna arrin mala awaal ah ku sheegay wararka sheegaaya in Balanbal laga soo dajiyay Diyaarado sida Hub.

”Ma jiro Ethiopian imaaday Balanbal oo Hub dajiyay waxaan cadeynayaa in Ahlusuna aysan Hub ka helin Ethiopia waxaan oran lahaa hala xaqiijiyo wararka sida ka fiirsasho la’aanta ah loo baahinaayo”

Guddoomiyaha ayaa cadeeyay inaanu jirin xiriir sidaa usii fog oo gaarsiisan heer Ethiopia ay Hub usoo daabusho Ahlusunna.

Dowlada Ethiopia oo aan la dhacsaneyn Siyaasada Dowlada cusub ayaa dooneysa inay colaad u abuurto maamulada Ahlusunna iyo Galmudug.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa si xad dhaaf ah u hubeysa Kooxda Ahlusuna, iyadoo qorshaha hubeynta uu yahay mid leysaga horkeenaayo Dowlada iyo Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com