Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkan soo saartay nidaam cusub oo quseeya qaban-qaabada xajka sanadka 2026.
Dowladda ayaa si rasmi ah ugu wargelisay dadka iyo shirkadaha xajka in ay bilaabaan qorsheynta safarka xajka laga bilaabo bisha Agoosto ee sanadkan. Go’aankan ayaa waxaa sidoo kale waxaa ka hadlay Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya.
Xoghaya Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya, Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in dhammaan dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka xajka ay khasab tahay inay raacaan habka cusub ee lacag-bixinta, kaasoo ka bilaabanaya xilli hore.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Muslimiinta ah in aysan sugin waqtiga ugu dambeeya, balse ay degdeg u bilaabaan bixinta kharashaadka la xiriira xajka, maadaama lacagaha lagu xajayo la doonayo in la bixiyo ugu dambeyn 22-ka Agoosto 2025.
“Taariikhdaas marka ay dhaafto, fursadda lagu heli karo goobta degaanka xujayda (teendhada) way xirmeysaa. Haddii ay xirmato, lacagaha kale ee la bixiyo micno ma yeelanayaan,” ayuu yiri Cabdullaahi oo u waramay BBC.
Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka deg-dega ah ee Sacuudigu qaatey uu yahay mid ku saleysan in la helo qorsheyn wanaagsan oo loogu diyaar garoobo xujeyda, taasoo lagama maarmaan ka dhigeysa in shirkadaha iyo shaqsiyaadkuba bixiyaan lacagaha si waqti hore ah.
“Qofka xajinaya waa in lagu qorsheeyaa teendhadiisa, halkuu degayo iyo kharashaadkiisa, dhammaan waa in la sii diyaariyaa oo xogtooda loo gudbiyaa wasaaradda Xajka,” ayuu yiri.
Soomaaliya ayaa sanadkii waxaa ka xajiya kumanaan, kuwaasi oo nidaamkan cusub uu si weyn u saameyn doono, maadaama bilooyin ka hor safarka la rabo in la bixiyo lacagta xajka.
Jadwalka Xajka iyo ujeedada isbeddelka
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sidoo kale soo saartay jadwalka dhammaan hawlaha maaliyadeed ee la xiriira xajka 2026, iyadoo sheegtay in bixinta dhammaan lacagaha lagu dhameyn doono ugu dambeyn 31-da Agoosto 2025.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Sacuudiga ay ku dooneyso horumarinta adeegyada xujeyda iyo isku-dubbaridka howlaha Xajka.
Warbixin ay dhawaan shaacisay hay’adda tirakoobka ee Sacuudiga ayaa muujisay in sanadkan 2025 uu xajka gutay tiro gaaraysa 1,673,230 qof oo ka kala yimid 171 dal oo caalamka ah. Waxaa ka mid ahaa 795,389 dumar ah.
Sidoo kale, warbixin kale oo kasoo baxday wasaaradda ayaa sheegtay in tirada dadka cumraysatay sanadkan ay sare u kacday boqolkiiba 30 marka la barbardhigo sanadkii hore, iyadoo dad gaaraya 1.2 milyan ay cumraysteen sanadkan, kana kala yimid 100 wadan oo Muslimiin ah.