Sidee baraha Bulshada looga falceliyey doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo doorta Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan  durba waxaa bilaabatay in looga faceliyo baraha Bulshada.

Maxamed Mursal ayaa helay codad gaarayo illaa 147 Cod halka Ibraahim Isaaq Yarow oo ahaa shakhsigii wareegga labaad kula tartamayey ayaa helay isna 118 cod.

Inta intooda badan waxay muujinayaan soo dhaweyn ku aadan guddoomiyaha cusub, inkastoo dadka qaarna ay ka hor imaadeen.

Inta badan dadka falcelinta sameenayo ayaa si cad u muujinayo inay Xukuumadda Guuleystay maadaama ay iyada wadatay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah dadkii Facebook kaga falceliyey doorashadaan oo aan kasoo qaadanay qeyb yar oo kamid ah: