26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sidee Imaaraadka Carabta u afduubtay Midowga Yurub?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) – Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadka Carabta wuxuu si weyn u ballaariyay dadaalladiisa saamaynta ku yeelashada siyaasadda ee magaalada Brussels. Tallaabadan ayaa muujineysa hamigiisa ah inuu u dhaqmo sidii “cudud jilicsan” oo caalami ah, isagoo isla markaasna hore u wada danihiisa gobolka iyo ajandihiisa keli-talisnimada ku dhisan.

Inkastoo uu yahay dal yar oo ku yaalla Khaliijka, Imaaraadku wuxuu ka mid yahay dalalka lacagta ugu badan ku bixiya ololaha saamayn ku yeelashada siyaasadda adduunka. Shabakaddiisa saamaynta ee Brussels waxaa ka mid ah xarumo cilmi-baaris iyo falanqayn siyaasadeed, shirkado xiriirka dadweynaha ah, qandaraasleyaal faafiya warar been abuur ah, iyo kooxo aan rasmi ahayn oo baarlamaanka ka tirsan — kuwaasoo dhammaantood si taxaddar leh loo adeegsado si loo xoojiyo aragtida ah inuu yahay dal casri ah, dhexdhexaad ah, oo iskaashi deggan lala yeelan karo, iyadoo la qarinayo taariikhdiisa siyaasadda arrimaha dibadda ee ku dhisan gardarrada.

Hababka ugu muhiimsan ee saamaynta

Bussola Institute: Xaruntan cilmi-baarista, oo la aasaasay sanadkii 2017 meel u dhow Guddiga Midowga Yurub (European Commission), waxay isku dartaa cilmi-baarista aqooneed iyo isgaarsiinta istiraatiijiyadeed ee la jaanqaadaysa danaha Imaaraadka. Guddiga maamulka ee xaruntan waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaal hore oo Yurub ah iyo taliyeyaal hore oo NATO ka tirsanaa, taasoo siinaysa sumcad sharciyadeed oo dusha laga qurxiyey, isla markaana u sahasha inay si toos ah ula xiriiraan go’aan-gaarayaasha muhiimka ah. In kasta oo ay sheegato inay diiradda saarto xiriirka Midowga Yurub iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (EU-GCC) guud ahaan, haddana xiriirkeeda hay’adeed wuxuu ku dhowaad yahay mid ku kooban Imaaraadka oo keliya.

Project Associates & SCL Social: Shirkadda Project Associates, oo ah shirkad xiriirka dadweynaha ah oo fadhigeedu yahay London oo laamo xafiis ku leh Brussels, waxay matashaa Golaha Warbaahinta Qaranka ee Imaaraadka (UAE’s National Media Council). Waxay qandaraas hoose siisay shirkadda SCL Social (oo walaal la ahayd shirkaddii fadeexadaha hareeyeen ee Cambridge Analytica) si ay u fuliso ololeyaal qarsoodi ah oo ka dhan ah dalalka la xafiiltama Imaaraadka sida Qatar. Wararka lagu daabacay warbaahinta Brussels iyadoo la adeegsanayo wadiiqooyinkan laguma xusin in Imaaraadku ka dambeeyay, taasoo tusaale u ah xariiqda aan kala caddeyn ee u dhaxaysa ololaha saamaynta iyo dagaalka warbaahineed.

Westphalia Global Advisory: Waa shirkad la-talin ah oo ay aasaaseen la-taliyeyaal hore oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, kuna takhasustay waxa loogu yeero “diblomaasiyad gaar ah.” Macmiilkoodu waa safaaradda Imaaraadka ee Midowga Yurub. Shaqadooda waxaa ka mid ah qaabeynta aragtiyaha la faafinayo, falanqaynta siyaasadaha Midowga Yurub, iyo in Abu Dhabi lagala taliyo sida ay isula jaanqaadi karto ama u saameyn karto hay’adaha Brussels.

Aragtida ay faafinayaan

Waxa udub-dhexaad u ah ololaha Imaaraadka ee saamayn ku yeelashada siyaasadda fikradda ah “xasilooni keli-talisnimo ku dhisan” — waa aragti Imaaraadka u sawiraysa inuu yahay gaashaan laga galo xagjirnimada Islaamiga ah iyo fowdada. Aragtidan waxay soo jiidataa qaybo ka mid ah siyaasiyiinta Yurub, gaar ahaan kuwa muxaafidka ah iyo kuwa midigta-fog, waxayna ka caawisaa Imaaraadka inuu mucaaradnimada u muujiyo argagixisanimo, isla markaana uu qariyo diiwaankiisa xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Dhex-galka baarlamaanka

Kooxda Saaxiibtinimada Baarlamaanka ee Imaaraadka iyo Midowga Yurub (UAE-EU Parliamentary Friendship Group) waxay u shaqeysaa si aan rasmi ahayn, laakiin waxay bixisaa saameyn qarsoodi ah oo ay ku yeelato xubnaha baarlamaanka ee u janjeera dhankooda. Qaar ka mid ah xubnaha kooxdan ayaa si joogto ah uga aamusa ama u codeeya diidmo marka la hor keeno qaraarro dhaleeceynaya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Imaaraadka, dhoofinta hubka ee Yemen, ama eedeymaha dembiyada dagaalka.

Faafinta wararka been abuurka ah

Saamaynta Abu Dhabi way ka fogtahay ololaha rasmiga ah ee saamaynta siyaasadda. Baaritaanno ay sameeyeen Facebook iyo Twitter ayaa kashifay shabakado ballaaran oo dacaayadaha faafiya (trolls) oo lala xiriiriyay Imaaraadka, kuwaasoo beegsanayay dadweynaha Yurub, iyagoo faafinaya aragtiyaha Abu Dhabi, isla markaana sumcad-dilayay dalalka ay iska soo horjeedaan sida Qatar iyo Iran.

Gunaanad

Imbaraadooriyadda ololaha saamaynta ee Imaaraadku ku leeyahay Brussels waxay daaha ka rogaysaa istiraatiijiyad casri ah oo dhinacyo badan leh: in saameyn lagu yeesho xudunta Midowga Yurub, iyadoo la qarinayo wejiyada mugdiga ah ee siyaasadda Imaaraadka, laga soo bilaabo faragelintiisa militari ee Yemen iyo Libya ilaa caburinta gudaha.

Sharciyada daah-furnaanta ee Midowga Yurub ee ku saabsan ololaha saamaynta oo daciif ah ayaa suurtagelisay in istiraatiijiyaddan ay hirgasho. Si ka duwan dalka Mareykanka, halkaasoo wakiillada shisheeye looga baahan yahay inay shaaciyaan heshiisyadooda iyo hawlahooda sida uu dhigayo sharciga FARA (Foreign Agents Registration Act), muwaadiniinta Yurub wax badan kama oga baaxadda iyo nooca ay leedahay saamaynta Imaaraadka.

Su’aashu hadda ma ahan in dalalka aan ka tirsaneyn Midowga Yurub ay olole saameyn ah ka wadaan Brussels, balse waa sababta ay Yurub u oggolaatay heerkan oo kale oo saameyn qarsoodi ah iyadoo aan jirin la-xisaabtan iyo isla-xisaabtan ku filan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News